Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgall qorsheysan ka fuliyay deegaanka Daaynuunaay ee gobolka Baay.
Howlgalka ayaa lagu dilay horjoogayaal sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, waxaana sidoo kale lagu gubay saddex gaari oo ay kooxdu adeegsanaysay, kuwaas oo uu ku jiray gaari loo diyaariyay fulinta qaraxyada.
Warkaan wuxuu ka soo baxay dhanka Dowlada mana jirto war dhanka laga helay dhanka Kooda Alshabaab.
Deegaanka Deynuunaay wuxuu aad ugu dhaw yahay Magaalada Baydhaba,waana halkii dagaalka ugu cuslaa uu ku qabsaday Milateiga Somalia markii ay Baydhaba ka saarayeen nidaamkii hore ee uu hogaaminayay C/casiis Laftagareen.
