MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Magaalada Muqdisho waxaa marba marka ka danbeeya sii kordhaya wada shaqeynya u dhexeysa Hay’adaha amaanka Dowlada Somalia iyo shacabka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee degmooyinka Gobolka Banaadir.
Shacabka ku dhaqan xaafada Xamarjadiid ee Degmada Warta-nabada ee Muqdisho ayaa gacanta Hay’adaha amaanka Dowlada Somalia waxay geliyeen laba ka tirsan dagalamayaasha Alshabaab oo ay soo qabteen.
Ragaan ay shacabku shegeen inay soo qabteen waxay ku eedeysan yihiin inay Alshabaab ka tirsan yihiin islamarkaana ay isku dayeen inay xaafadaasi ka fuliyaan fal dil ah ka hor inta aysan ka hortagin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


