Madaxweyne Xassan “Imaaraatku wuxuu nala rabaa sidii u soo kala qeybiyay Liibiya iyo Yemen

May be an image of textMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa khudbad uu jeediyay wuxuu kaga hadlay siyaasada Dowlad Imaaradku kula dhaqanto  Dalalka Afrika isagoona ku eedeeyay inay kala qeybiyeen dalal Dowlado iyo midnimo ka jirtay;

” Dowladda Imaaraadka Carabta waxay tagtay Liibiya iyo Yamen waxayna kasoo baxday iyagoo kala qaybsan, maantana waxay sidaas la doonayaan Soomaaliya iyo Suudaan.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan

Maamulada Somaliland .Puntland iyo Jubaland ayuu ugu baaqay in wixii khilaaf kala dhexeeya Dowlada ay ku xaliyaan miiska wada hadalka si ay Somalinimo u xalistan.

Dhanka kale ciidamada Qaranka ayuu u sheegay kuna dhiirigeliyay inay saaran tahay ma’uuliyadda ilaalinta amniga, madax bannaanida iyo midnimada dalkeenna iyo dadkeenna sida uu warkiisa u dhigay Madaxweynaha Somalia.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments