Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo oo xalay kulan la yeeshay Saraakiisha ugu sareysay ciidamada kala duwan ee Dowlada Somalia sida Taliyaha Ciidamada Xoogga Ibraahim Maxamuud,Nabad sugida Mahad Salaad,Booliiska Asad Diyaano iyo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Shuute natiijo wanaagsan ku dhamaaday.
Kulankaan wuxuu daba joogay kulankii hore Saraakiishaani ula yeesheen Madaxda Golaha mustaqbalka ee Muqdisho sida Shariif,Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble waxayna Dowladu mucaaradka u gudbisay in dalka lagu soo duulay sidaas daraadeed midnimo lagu wajihi karo xaaladaasi soo korortay.
Farmaajo war wanaagsan ayay Saraakiishu kala kulmeen si weyn ayuuna u soo dhaweeyay isagoona carabka ku adkeeyay in midnimada iyo difaaca qaranimada ay muqadas tahay.
Farmaajo wuxuu tusaale u soo qaatay in xiligiisii uu sidan oo kale wajahay carqalado qaranimada Somali lidi ku ah uuna ka soo dabaashay ,wuxuu Dowlada u sheegay in isaga uu diyaar u yahay ka shaqeynta minimada dalka iyo difaaca Dowladnimadeena.
Dhanka kale Farmaajo shuruud ayuu Saraakiisha ku xiray inay ajiibaan gogosha Madaxweyne Xasan isagoona Dowlada ugu baaqay inay shirka ku casuunto Saciid Deni iyo Axmed Madoobe hadii wadajir la doonayo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
