Xiisadda u dhexeysa Suudaan iyo Itoobiya xaggee ayay ku dambayn kartaa – yaase jooga xudduudaha?

=XIGASHO BBC SOMALI=Taliyaha ciidamada Suudaan, Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan [bidix], iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed [midig]

Xuduudda dhulka ee u dhexeysa Suudaan iyo Itoobiya ayaa dhererkeedu qiyaastii yahay 750 kiiloomitir.

Maadaama aan xuduuddaas si rasmi ah dhulka loogu calaamadin, labada dal ayaa muddo dheer isku khilaafsanaa lahaanshaha dhulal ku yaalla xuduudda, iyaga oo mid walba sheeganayay in dhulkaasi uu ka tirsan yahay dalkiisa.

Hase yeeshee, khilaafka ugu weyn ee hadda taagan, kaas oo Suudaan ku kallifay inay Itoobiya dacwad uga gudbiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kuma salaysna muranka xuduudda ee aan weli xal loo helin.

Dowladda Suudaan ayaa Itoobiya ku eedeysay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga soo diray dhulkeeda ay weerarro ku qaadeen xarumo rayid iyo saldhigyo korontada laga dhaliyo. Eedeymahaas ayay u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

BBC-da ayaa laba maalmood ka hor iimayl u dirtay mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya, si ay wax uga weydiiso arrintan, balse illaa hadda jawaab kama aysan helin.

Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa warbixin ay soo xigatay mas’uul sare oo Itoobiyaan ah ku sheegtay in dowladda Itoobiya ay beenisay eedeymaha soo noqnoqday ee dowladda Suudaan. Waxa kale oo ay sheegtay in Itoobiya ay 3-dii Nofeembar ku wargelisay lix diblomaasi oo Suudaani ah inay dalka kaga baxaan muddo 48 saacadood gudahood ah.

Diblomaasiyiintaasi waxay ka shaqaynayeen xafiiska qunsuliyadda Suudaan ee magaalada Asosa, oo ku taalla meel u dhow xuduudda labada dal.

Arrintaas kaddib, Suudaan ayaa 4-tii Nofeembar amartay in diblomaasiyiinta Itoobiya ee ku sugan magaalada Gedaref ay dalka ka baxaan, tallaabadaas oo lagu tilmaamay aargoosi ka dhan ah go’aankii Itoobiya ee diblomaasiyiinta Suudaan looga saaray Asosa.

Eedeymaha isdaba joogga ah ee Itoobiya iyo Suudaan

Suudaan: Dalka Suudaan ayaa galay dagaal sokeeye kaddib markii bishii Abriil 2023 uu qarxay dagaal salka ku haya loollan dhanka awoodda ah oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga Taageerada Degdegga ah (RSF).

Tan iyo markaas, in ka badan 150,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaalka, halka ku dhowaad 12 milyan oo qof ay ku barakaceen guryahoodii.

Qaramada Midoobay ayaa dagaalka Suudaan ku tilmaantay mid sababay masiibada bani’aadannimo ee ugu weyn dunida.

Cabashadii ay Suudaan 30-kii Oktoobar 2026 ka gudbisay Itoobiya, waxay ku sheegtay in Itoobiya ay ku lug leedahay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo muddooyinkii dambe lagu qaaday xarumaha korontada iyo tamarta ee ku yaalla dhowr gobol oo Suudaan ah. Dowladda Itoobiya ayaan weli ka hadlin eedeymahaas.

Hase yeeshee, Itoobiya ayaa horay dhowr jeer u beenisay eedeymaha sheegaya inay taageerto xoogagga RSF ama ay oggolaatay in dhulkeeda loo adeegsado weerarro. Waxay sidoo kale sheegtay inay ixtiraamayso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Suudaan.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa lagu sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay adeegsadaan xoogagga RSF, kuwaas oo sida gantaallo isla markaana loo adeegsado weerarro ismiidaamin ah, ay ka duulaan gudaha Itoobiya, kadibna ay weerarro ku qaadaan xarumaha rayidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay hay’adaha caalamiga ah u gudbisay dukumentiyo iyo caddeymo sawirro dayax-gacmeed ah oo ay ku taageerayso eedeymaheeda.

Sidoo kale, 3-dii Nofeembar 2026, ciidamada Suudaan ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo ka soo duushay Itoobiya, taas oo gudaha u soo gashay dhulka Suudaan.

War-saxaafadeedka ciidamada Suudaan ayaa lagu sheegay inay diyaaradda soo rideen xilli ay dul maraysay hawada gobolka Blue Nile.Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan [oo dhexda taagan] ayaa hoggaamiya ciidamada Suudaan, wuxuuna si kalsooni leh u sheegayaa inuu ka adkaan doono xoogagga Taageerada Degdegga ah (RSF)

Dhanka kale, Addis Ababa ayaa iyaduna muddooyinkii hore ku eedaynaysay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Suudaan inay taageero siin jireen xoogagga hubaysan ee TPLF.

Xilligan oo ay dagaallo u dhexeeyaan isbahaysiga xoogagga mucaaradka hubaysan iyo dowladda federaalka Itoobiya, Itoobiya ayaa Suudaan iyo Eritrea ku eedaysay inay taageerayaan kooxaha fallaagada ah. Labada dal ayaa eedeymahaas ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Tan iyo 23-kii Sebtembar 2026, dowladda federaalka Itoobiya iyo TPLF ayaa ku jira dagaal furan. Waxaa jira walaac xooggan oo laga qabo in colaaddani ay ku fido dalka deriska ah ee Eritrea.

Falanqeeyaha siyaasadda Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, Cabdiraxmaan Siciid Abuu Xaashim, ayaa yiri: “Haddii dagaalka u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya, ama colaadda hadda kala dhexeysa dowladda Itoobiya iyo TPLF ay sii ballaarato, dowladda Itoobiya waxaa suuragal ah inay isku daydo inay la wareegto gobollada Gedaref iyo Kassala ee Suudaan, si ay meesha uga saarto khatarta kaga iman karta xoogaggaas oo ay Suudaan taageerto, iyadoo si toos ah ama adeegsanaysa xoogagga RSF.”

Dhanka kale, xoogagga RSF ayaa marar badan sheegay inaysan weerarro ku qaadin kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, isla markaana bartilmaameedyadoodu ay yihiin oo keliya goobaha milatari ee ciidamada Suudaan.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa horraantii toddobaadkii koowaad ee Febraayo 2026, baaritaan ay samaysay ku sheegtay in Itoobiya ay xarun tababar oo qarsoodi ah oo ay leeyihiin xoogagga RSF ka dhistay gobolka Benishangul-Gumuz, oo ku yaalla galbeedka dalka.

Warbixinta ayaa sheegtay in xeradan ay tahay xarun ay RSF ku tababarto kumannaan dagaalyahan, isla markaana ay maalgeliso Imaaraadka Carabta. Hase yeeshee, Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa labaduba beeniyey eedeymahaas.

Ciidamada Suudaan ayaa iyaguna marar badan ku eedeeyey Imaaraadka Carabta inuu RSF siiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo agab kale oo milatari. Waxaa sidoo kale la helay caddeymo taageeraya eedeymaha ku saabsan taageeradaas.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa lagu sheegay in muddadii u dhexeysay 15-kii Febraayo ilaa 27-kii Oktoobar 2026, in ka badan 187 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) ay in ka badan 70 jeer ku xadgudbeen xuduudda Suudaan.

Guud ahaan, laga soo bilaabo Febraayo ilaa hadda, weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga soo diray Itoobiya ka fuliyeen gudaha Suudaan ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 484 qof oo rayid ah. BBC-da si madax-bannaan uma xaqiijin tiradan.

Hase yeeshee, xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Suudaan kuma koobna oo keliya arrintan. Dhismaha Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya ee Webiga Niil (GERD) ayaa sidoo kale walaac ku haya Suudaan iyo Masar, oo ku dhowaad dhammaan biyaha ay isticmaalaan ka hela webigaas.

Suudaan iyo Masar ayaa ku doodaya in dhismaha biyo-xireenka uu khatar ku yahay amnigooda qaran, isla markaana uu xadgudub ku yahay sharciga caalamiga ah.

“Waxaa suuragal ah in Masar, iyadoo ka duulaysa tabashooyinka ay ka qabto biyo-xireenka GERD, ay Suudaan weerarto si ay khatarta uga fogeyso gudaha dhulkeeda, halkii ay isku dayi lahayd inay Itoobiya si toos ah ugu weerarto diyaarado ama qaabab kale. Sidoo kale, Suudaan waxay taageeri kartaa kooxaha hubaysan ee Itoobiya, sida TPLF iyo kooxaha kale ee mucaaradka ah, iyada oo aan si rasmi ah dagaal ugu dhawaaqin Itoobiya,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Falanqeeyaha siyaasadda Geeska Afrika, Cabdi Kaayde Buraal, ayaa isaguna aragtidaas la qaba.

“Suudaan waxay taageero siisaa kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda Itoobiya, halka Addis Ababa iyadana lagu eedaynayo inay taageerto RSF, oo la sheegay inay gudaha Itoobiya ku leedahay xarumo tababar,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan aaminsanahay in xiisadda labada dal ay u badan tahay inay isu beddesho dagaal wakiillo loo adeegsado iyo loollan ku saabsan saameynta siyaasadeed, halkii ay ka gaari lahayd iska horimaad milatari oo toos ah oo dhex mara labada dal.”

Heshiisyadii xilligii gumeysiga

Hoggaamiyaha ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF), Jeneraal Maxamed Xamdaan Dagalo

Xuduudaha Geeska Afrika ayaa ah kuwo muran badan ka taagan yahay. Itoobiya ayaa sannadkii 1977-kii dagaal la gashay Soomaaliya, kaas oo ka dhashay muranka gobolka Ogaadeeniya. Sannadkii 1998-kii ayay sidoo kale dagaal xudduudeed la gashay Eritrea, kaas oo ka dhashay muranka magaalada Badme.

Hase yeeshee, dagaalkii Tigray ee qarxay bishii Nofeembar 2020 ka dib, waxaa la sheegay in ciidamada Eritrea ay qabsadeen qaybo ka mid ah deegaannadaas.

Dagaalkii 1998 ka dib, Itoobiya iyo Suudaan ayaa dib u bilaabay wada-hadallo muddo dheer hakad ku jiray, iyaga oo muujiyay rabitaan ah in laga wada xaajoodo xuduuddooda oo dhererkeedu yahay 744 kiiloomitir.

Xuduudda Itoobiya iyo Suudaan waxaa sannadkii 1902-kii heshiis ku kala saxiixday Boqor Menelik iyo Britain oo xilligaas maamuleysay Suudaan.

Hase yeeshee, markii xuduudda la calaamadeeyay sannadkii 1903, Itoobiya ayaa ka hortimid, iyada oo ku doodday in hawsha calaamadeynta lagu sameeyay iyada oo aanay Itoobiya ka qaybgelin.

Inkasta oo Suudaan iyo Itoobiya ay sannadkii 1972 isku raaceen in heshiiskii 1902 loo aqoonsado sidii uu ahaa, haddana tallaabooyin lagu calaamadeynayo xuduudda dhulka laguma dhaqaaqin. Taasi waxay sababtay in weli ay jiraan dhul ballaaran oo ay isku haystaan.

Mid ka mid ah deegaannadaas waa dhulka beeraha ee barwaaqada ah ee Al-Fashaqa, kaas oo u dhexeeya labada dal. Waa arrin muddo dheer adkayd in xal laga gaaro.

Al-Fashaqa waa dhul beereed barwaaqo ah oo ku yaalla gobolka Gedaref ee Suudaan, kana xiga dhinaca Itoobiya gobollada Amxaarada iyo Tigray. Baaxaddiisa ayaa lagu qiyaasaa inta u dhexeysa 250 iyo 600 oo kiiloomitir oo laba jibbaaran.

Cabdiraxmaan Saciid Abuu Xaashim ayaa sheegay in marka la eego xiisadda taagan iyo muranka muddada dheer soo jiitamayay, ay Itoobiya iyo Suudaan u jihaysan karaan dagaal.

Cabdiraxmaan ayaa yiri: “Goobaha sida Al-Fashaqa oo kale ah waxay leeyihiin muhiimad istaraatiiji ah. Waqtigan xaadirka ah, dhulkaas waxaa gacanta ku haya Suudaan. Hase yeeshee, Itoobiya waxay qabtaa sheegashooyin ah in dhulkaasi ay iyadu leedahay.”

Wuxuu sheegay in arrintaasi ay noqon karto mid ka mid ah sababaha xiisadda sii hurin kara.

Dhankiisa, falanqeeye siyaasadeed oo Itoobiyaan ah oo ku takhasusay Geeska Afrika, Cabdi Kaayde Buraal, ayaa qaba in suurtagalnimada in labada dal uu dhex maro dagaal toos ahi ay yar tahay.

Wuxuu yiri: “Haddii aan eegno awoodda dowladda Suudaan ee hadda jirta, waa mid daciif ah, waxayna la tacaalaysaa dagaal sokeeye iyo qalalaase gudaha ah. Si kastaba ha ahaatee, xiisadda u dhexeysa labada dal [Itoobiya iyo Suudaan] ayaa muddo dheer lahayd qaab dagaal wakiillo loo adeegsado.”

Amjaad Faraad, oo ah la-taliyaha arrimaha siyaasadda iyo xiriirka dibadda ee Golaha Sare ee Suudaan, ayaa Reuters u sheegay: “Dowladda Suudaan waxaa ka go’an inay ilaaliso xaqeeda ku aaddan difaaca dhulkeeda. Hase yeeshee, waxay ku dadaalaysaa wax kasta oo suurtagal ah si aanay Itoobiya ula gelin dagaal furan.”

Hase yeeshee, muranka hadda u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya ma aha arrinta Al-Fashaqa.

Magaalooyinka Suudaan ee ku teedsan xudduudda Itoobiya yaa hadda gacanta ku haya?Sudan

Xudduudda dhulka ee u dhexeysa Suudaan iyo Itoobiya waxay dhererkeedu dhan yahay qiyaastii 750 kiiloomitir. Waxay ka bilaabataa webiga Tekeze, halka ay isaga xirmaan Suudaan, Eritrea iyo Itoobiya, waxayna gaartaa koonfur-bari Itoobiya, halka ay ku kulmaan xuduudaha Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya.

Guud ahaan, goobaha ugu waaweyn ee dagaalka u dhexeeya ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) iyo ciidamada dowladda Suudaan uu ka socdo waxay ku fidsan yihiin gobolka Blue Nile ee xuduudda la leh Itoobiya, ilaa saddexda gobol ee Kordofan iyo gobolka Darfur.

Goobaha ugu waaweyn ee dagaalku ka socdo waxaa ka mid ah:

– Gobolka Blue Nile: Al-Badaraka, Bakori, Geisan iyo Kurmuk.

– Gobolka Kordofan: Baro iyo Al-Basaya, iyo sidoo kale Kauda.

– Gobolka Darfur: Um Baru, Kornoy iyo Abu Saruj.

Gudaha Suudaan, waxaa jira magaalooyin dhowr ah oo ku dhow xuduudda Itoobiya.

Magaalada Gedaref, oo qiyaastii 120 kiiloomitir dhanka galbeed kaga beegan xuduudda Suudaan iyo Itoobiya, waxay ku jirtaa gacanta ciidamada dowladda Suudaan.

Marka dhanka koonfureed loo sii socdo, magaalada ugu dhow xudduudda Itoobiya waa Damazin.

Damazin waa xarunta gobolka Blue Nile. Waxaa mara biyaha ka soo qulqula webiga Niilka Buluugga ah, waxaana ku yaalla biyo-xireen weyn oo koronto laga dhaliyo. Magaaladu waxay xuduudda Itoobiya u jirtaa qiyaastii 80 kiiloomitir, waxayna sidoo kale ku jirtaa gacanta ciidamada dowladda Suudaan.

Dhanka kale, magaalada Kurmuk oo ku taalla gobolka Blue Nile, isla xuduudda Itoobiya iyo Suudaan, waxaa tan iyo 12-kii Agoosto 2026 gacanta ku haya ciidamada RSF iyo Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Suudaan – Waqooyi (SPLM-N), oo uu hoggaamiyo Cabdulcasiis Al-Xilu.Dagaalka sokeeye ee Suudaan oo hadda galay sannadkii shanaad, ayaa sababay in in ka badan 14 milyan oo qof ay guryahooda ka barakacaan, halka in ka badan 4.6 milyan oo kalena ay u qaxeen dalalka deriska ah.

Magaaladan waa magaalo istaraatiiji ah oo tan iyo markii uu billowday dagaalka sokeeye ee Suudaan ay marba dhinac gacanta ugu jirtay ciidamada dowladda Suudaan iyo kuwa Taageerada Degdegga ah (RSF).

Magaalada Yabus, oo ku taalla cirifka koonfureed ee xuduudda Suudaan iyo Itoobiya, waxaa tan iyo sannadkii 2011 gacanta ku hayay ciidamada Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Suudaan – Waqooyi (SPLM-N). Hase yeeshee, ciidamada dowladda Suudaan ayaa dhowr jeer isku dayay inay la wareegaan deegaankaas.

Cabdiraxmaan Saciid Abuu Xaashim ayaa sheegay: “Ku dhowaad dhammaan dhulka Suudaan ee xuduudda la leh Itoobiya waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda Suudaan.”

Wuxuu intaas ku daray: “Saldhigga ugu weyn ee ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) wuxuu ku yaalla galbeedka Suudaan. Sidaas darteed, maadaama ay dagaalka ka wadaan meelo aad uga fog saldhiggooda, ma awoodaan inay u dagaallamaan sidii ay doonayaan oo ay u noqdaan kuwo wax-ku-ool ah. Sidoo kale, wax taageero shacab ah kuma laha bariga Suudaan.”

Ciidamada RSF waxaa hoggaamiya Jeneraal Maxamed Xamdaan Daqalo.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in haddii RSF ay doonayaan inay dagaal ka furaan bariga Suudaan, ay aad uga fog yihiin saldhiggooda ku yaalla galbeedka dalka. Sidaas darteed, wuxuu sheegay inay Itoobiya u adeegsanayaan saldhig ay ka hawlgalaan, goob ay ciidamadooda ku tababartaan iyo marin ay sahayda ka soo geliyaan.

Wuxuu intaas ku daray: “Taasi waa sababta dowladda Suudaan ay eedeymaha ugu jeedinayso Itoobiya.

=XIGASHO BBC SOMALI=

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments