Shir Xasaasi ah oo Muqdisho uga bilowday Taliyayaasha ugu sareeya ciidamada Dowlada iyo Mucaaradka

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Muqdisho waxaa ka bilowday shir xasaasi ah oo u dhexeeya Mucaaradka Golaha Mustaqbalka iyo Dowlada Faderaalka Soomaaliya kaasoo ka socda guriga Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Maxamed Xuseen Rooble.

Dhinaca Dowlada waxa shirka ku matalaya saraakiisha Amniga ugu sareysa sida Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka Mahad Maxamed Salad, Taliyaha Booliiska Somalia Asad Diyaana,Taliyaha Milateriga Somalia Ibrahim Maxamed Maxamuud  iyo Gudomiyaha Maxkamada Ciidamada Xasan Cali Nuur Shuute.

Sidoo kale dhanka Mucaaradka waxaa fadhiya inta badan madaxda sar sare ee Mucaaradka sida Madaxweyne hore Shariif Sh.Axmed, Ra’iisulwasaare hore Xasan Cali Khayre,Ra’iisulwasaare hore Maxamed Xuseen Rooble,Xildhibaan C/raxman C/shukuur, C/kariin Xuseen Guuleed,C/laahi Carab iyo Koofi Aadan.

Shirkaan waxaa looga hadlayaa xaalada amni ee dalka gaar ahaan duulaanka ya dalal shisheeye ku soo qaadeen Dalkeena,waxayna dhinacyadu isla jeex jeexayaan khataraha amni ee imaan kara in loo midoobo.

Kulankaan wuxuu daba socdaa mid kan ka horeeyay oo isla saraakiisha Dowlada iyo Mucaaradka dhexmaray iyadoo isla mowduucaan looga hadlay waxaana lagu wadaa inay wadajir go’aan uga soo saari donaan marka uu u dhamaado shirkaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments