Gudoomiyihii Maxkamada sare “Hanjabaad, cabsi-gelin iyo cago-jugkayni nagama hor istaagi karaan gudashada waajibaadkayaga”

No photo description available.Gudoomiyihii hore ee Maxkamada sare ee Somalia Baashe Yuusuf Axmed oo dhawaan xilka laga qaaday ayaa qoraal kooban uu soo dhigay barihiisa bulshada wuxuu ku weeraray Dowlada isagoo ku eedeeyay inay hanjabaad iyo cagajugleyna ku heyso.

“Hanjabaad, cabsi-gelin iyo cago-jugkayni nagama hor istaagi karaan gudashada waajibaadkayaga laalinta caddaaladda” ayuu yiri Baashe Yuusuf oo Xamar kaga sugan guriga Shariif Sheekh Axmed oo ah Madaxweynihii hore ee Somalia.

Qoraalka Gudoomiyaha oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

Hanjabaad, cabsi-gelin iyo cago-jugkayni nagama hor istaagi karaan gudashada waajibaadkayaga ilaalinta caddaaladda. Hanjabaadaha naftayada loo jeedinayo nama aamusiin doonaan, nalagumana khasbi karo inaan u hoggaansanno sharci-darro. Waxaan si adag ugu taagan nahay difaaca madaxbannaanida garsoorka, Dastuurka iyo xuquuqda aadamaha.

Ma jiro qof sharciga ka sarreeya. Dastuurku waa inuu ka sarreeyaa awood kasta oo si aan sharci ahayn loo adeegsado, sarreynta sharciguna waa inay ka adkaataa xukunka qofka. Go’aankayagu ma liicayo: waxaan dhowraynaa dhaartayada, gudanaynaa waajibaadkayaga, caddaaladdana ugu adeegaynaa cabsi iyo eex la’aan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments