BALADWEYNE (DANIILE.COM)-Wasiirka Batroolka Somalia Daahir Shire Maxamed iyo la taliyaha Madaxweyne Xasan ee dhanka Ciidamada Macawisleyda Cali Jayte Cusmaan oo u dhashay Beesha Xawaadle islamarkaana Madaxweyne Xasan La taliye dhanka mcawisleyda u soo noqday ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Cali Jayte oo lagu xasuusto inuu hogaaminayay dagaalkii adkaa ee macawisleyda Xawaadle la galeen Alshabaab ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Baladweyne xili reer Bariga Hiiraan ku kacsan yihiin maamulka Hirshalle iyo guud ahan siyaasada Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh.
Cali Jeyte oo hadalo kooban u jeediyay shacabka badan ee soo dhaweeyay ayaa u sheegay inuu u yimid sidii uu uga shaqeyn lahaa kaliya danta reer Hiiraan.
Sidoo kale Wasiirka Batroolka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa isna hadalo kooban uu ka jeediyay goobta soo dhaweynta loogu sameeyay wuxuuna cadeeyay inay ka socdaan dhanka Dowlada islamarkaana ay u yimaadeen sidii loo xalin lahaa khilaafaadka Dowlada kala dhexeeya reer Hiiraan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

