Jowhar, 8-Nofeembar-2026: Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere waxa uu kusoo dhaweeyay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Aaden Maxamed Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Ujeedka safarkooda ayaa ah ka qeybgalka munaasabadda lagu caleemo-saraayo Hoggaanka Dowladda Hirshabeelle.
Hoggaamiyaha Hirshabelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kaga mahadceliyay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed soo gaaristiisa caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar.
DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasime ku xigeenka Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mahad Axmed Calasoow














