Wasiir Fiqi oo si adag uga hadlay in Gudoomiyihii Maxkamada sare gabaad ka dhigto guriga Shariif Sh.Axmed

Wasiirka Difaaca Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu si kulul uga hadlay in Gudoomiyihii Maxkamada sare uu gabaad ahaan u galo guriga Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed.

“Sidee Xildhibaan Shariif looga aqbalayaa marna inuu ku andacoodo waa la i soo weerarayaa, islamarkaana gurigiisu uu gabbaad u noqdo cid kasta oo dawladnimada dhibaataynaysa iyo daba-dhilifyada shisheeyaha u shaqeeya”ayuu yiri Wasiir Fiqi

Hadaba Qoraalka Wasiir Fiqi oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

Waa mowqif iyo dokumenti sharci oo xaqiiqda taabanaya, meeshana ka saaray duullaankii iyo shirqoolkii abaabulnaa ee xubno ka tirsan garsoorayaasha Maxakamadda sare ay dalka ku soo qaadeen.

Mashruuc kasta oo shisheeye soo abaabulo islamarakaana hela calooshood u shaqaystayaal fuliya sidan oo kale ayuu u fashilmayaa, lagamana yaabo inuu dalkaan ka hirgalo wax noocaas ahi.

Waxaase la yaab leh ninkii Guddoomiyaha Maxakamadda ahaa ee xilka laga qaaday inuu u cararay kaamka Shariif isla markii uu waraaqaha soo xariiqay taasoo muujinaysa in uu fulinayay ajende ka mid ah kuwii shirkii Abu Dhabi lagu soo gaaray.

Sidee Xildhibaan Shariif looga aqbalayaa marna inuu ku andacoodo waa la i soo weerarayaa, islamarkaana gurigiisu uu gabbaad u noqdo cid kasta oo dawladnimada dhibaataynaysa iyo daba-dhilifyada shisheeyaha u shaqeeya.

May be an illustration of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments