DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaairiye Qoor-Qoor ayaa khudbad ka jeediyay xaflada caleema saarka hogaanka cusub ee Galmudug Liibaan Axmed Xassan.
Qoor Qoor ayaa intii uu Hambalyada waday waxaa ereyadiisa soo galay kuwa kaftan ahaa marka si kale loo dhahana u ehaa hadalo si dad-ban weerar ugu ahaa Madaxweyne Xasan kadib markii uu Liibaan ugu yeeray Madaxweyne balse islamarkiiba ku xijiyay aan iraahdo sida Madaxweyne Xasan jecel yahay Hogaamiyaha Galmudug.
Inta badan ka qeybgalayaasha waxay ku qosleen ereyga ah sida Madaxweyne Xasan jecel yahay taasoo macquul ah in Madaxwynuhu khudbadiisa uga jawaabi doono.
Sidoo kale Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Cabdiweli Gaas oo isna khudbad jeediyay ayaa toos ugu adkeystay inuusan hogaamiye dhihi doonin Liibaan balse uu dhahayo Madaxweynaha Galmudug.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

