Waxaa duhurnimadaan maanta ah ka socota Magaalada Dhusu-Mareeb Xaflada caleema saarka Hoaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Liibaan Axmed Xasan.
Madaxda ugu sareysa Dowlada Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Ra’isulwasaare Xamza Cabdi Barre iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Maxamed Nuur ayaa dhamaantood gaaray Dhuusa-mareeb islamarkaana khudbadooda ka jeedinaya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisaayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Dhuusa-mareeb marki uu garoonka kaga hortagay Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan.
Xaflada Caleema saarka waxaa sidoo kale ka qeybgalaya hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada iyo marti sharaf kale oo ay ku jiraan diblomaasiyiin shisheeye.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM




DAYNIILE.COM






