Dagaalamayaasha Kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay Gobolka Shabeelaha dhexe ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh kadib markii ay ciidamo soo geliyeen deegaanada qaar.
Meelaha laga soo sheegay Alshabaab waxaa ka mid ah deegaano u dhexeeya Wargaadhi iyo Masaajid Cali Gaduud waxaana laga cabsi qabaa inay dagaalo dhexmaraan iyaga iyo milateriga Somalia.
Dagaalamayaasha Alshabaab waxaa la soo sheegayaa inay soo buuxdhaafiyeen deegaanada ku dhaw Wargaadhi iyadoo la ogyahay markii ugu dabeysay oo lagu dagaalamo Wargaadhi inay ka dhalatay dhimasho aad u badan oo labada dhinac ah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

