BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Wafdi isugu jira Wasiir iyo Xildhibaano ka soo jeeda Beesha Xawaadle oo ero ka ah Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ku wajahan Bariga Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaasoo ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaa maleeshiyaad Dowlada ka soo horjeeda
Wafdiaan waxaa hogaaminaya Wasiirka Batroolka Xukuumada Somalia Daahir Shire, waxaana la socda oo safarka ku wehlinaya Xildhibaano u dhashay beesha Xawaadle waxayna doonayaan inay la kulmaan ugaaska Beesha Xawaadle.
Masuuliyiinta Dowlada ka socda waxaa lagu wadaa inay Ugaaska kala hadlaan sidii loo xalin lahaa xurgufta siyaasadeed ee sababtay in maleeshiyad hubeysan qabsadaan xarumo dhowr ah oo Baladweyne ku yaal kuwaasoo si weyn uga soo horjeeda dib u doorashada Hogaamiyaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.
Dhanka kale Maleeshiyaadka heysta Garoonka diyaaradaha oo marar badan ku celceliyay inaysan garoonka ka soo dei karin cid ka socota Hirshabelle ayaa loo badinayaa inay aqbali doonaan socdaalka wafdigaan uu hogaaminayo Wasiirka Xawaadle ku matala Faderaalka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

