Vila Somalia oo Taliska AUSSOM kala hadashay bixitaankooda iyo soo wareejinta saldhigyadooda

Taliyaha ciidanka AUSSOM, Sarreeye Guuto Sam Kavuma iyo ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ahna Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) Marwo Qurat-Ul-Ain Sadozai ayaa  xarunta madaxtooyada Villa Somalia kula kulmay La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Danjire Awes Hagi Yusuf Ahmed.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyey iyo Geeddi-socodka Kala-guurka ee ku aaddan in si habsami leh loo wareejiyo mas’uuliyadaha amniga iyadoo la tixgelinayo arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya.

Labada dhinac waxay mar kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dhow, iyo sii socoshada taageerada caalamiga h oo ay ku jirto taageerada loo marayo Sanduuqa Taageerada Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed, si loo xoojiyo taageerada saadka ee howlgallada ay hoggaamiyaan Soomaalida, loo ilaaliyo guulaha amniga ee la gaaray, loona horumariyo xasilloonida Soomaaliya ee mustaqbalka
May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments