Madax kala duwan oo Dhuusa-mareeb isugu tagay ka qeybgalka Caleema saarka Hogaamiyaha cusub ee Galmudug

DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug waxaa maanta gaaray masuuliyiin badan oo mucaarad iyo muxaafad isugu jira kuwaasoo doonaya inay ka qeybgalaan caleema saarka Hogaamiyaha cusub ee Maamulka Galmudug  Liibaan Axmed Xasan.
Masuuliyiinta maanta gaaray Dhuusa-mareeb waxaa ka mid ah Hogaamiyayaasha Maamulada Koofurgalbee,Hirshabelle iyo Waqooyi Bari,sidoo kale Duqa Muqdisho iyo ku xigeenkiisa.
Mucaaradka  maanta tagay Dhuusamareeb waxaa ka mid ah Xildhibaan C/raxmaan Odowaa,Siyaasi C/kariin Xuseen Guuleed iyo xubno kale. Dhanka kale Madaxweyne Xasan ayaa isna lagu wadaa inuu beri gaaro madaama lagu wado in caleema saarku dhacayo .
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments