SAWIRRO: Jen.Khaalid iyo Saraakiil kale oo lagu soo dhaweeyay Dhuusa-mareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid) iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Daahir (Dhagawayne) iyo saraakiil kale

Soo dhaweynta kaddib Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed howl-galada ay ka wadaan deegaanada Galmudug iyo arrimaha la xiriira shaqada iyo hawlgalada Ciidanka ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada

Booqashada Taliyaha ayaa qeyb ka ah kulamada iyo kormeerrada uu la yeelanayo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan qeybaha kala duwan ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments