GAROWE (DAYNIILE.COM)- Hogaamiyaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ku wajahan Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.
Hogaamiye Axmed Madoobe wuxuu Garowe kula kulmi doonaa oo ay balansan yihiin Hogaamiyaha Puntland Saciid C/laahi Deni iyagoona ka wada hadli xaalada siyaasadeed ee Dalku marayo iyo khilaafka kala dhexeeya Madaxweyne Xasan.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay labada Hogaamiye diyaarinayaan shir mucaaradka Golaha Mustaqbalka ku yeelan doonaan Garowe kaasoo sida ay hore u sii sheegeen ay doonayaan inay Dowlad kale dhisayaan madaama sida ay aaminsan yihiin Madaxweyne Xasan xoog ku heysto Dowlada tan iyo wixii ka danbeeyay 15-kii bishii May oo uu ku ekaa muda xileedkiisa.
Dhanka kale madaxda Mucaaradka Golaha Mustaqbalka qaarkood ayaa ogol in gogosha Madaxweyne Xasan laga qeybgalo taasoo muujineysa in mucaaradku laba garab u sii kala jabayaan.