Caleema saarka Hogaamiyaha cusub ee Galmudug iyo Madaxda sare ee Dalka oo ku wajahan Dhusamareeb.

DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Qaban qaabada Xaflada Caleema saarka Hogaamiyaha cusub ee Galmudug libaan Axmed Xasan ayaa ka socota Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Warar ku dhaw dhaw Madaxda sare ee Dalka Somalia sida Madaxweyne Xasan,Ra’iisukwasaare Xamza,Wasiirada iyo Xildhibaanada  ayaa la sheegay inay ku wajahan yihiin Magaalada Dhusamareeb si ay uga qeybgalaan.
Shalay Waxaa Dhuusamareeb ku soo laabtay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor kaasoo lagu wado inuu si rasmi ah xilka ugu wareejiyo Hogaamiyaha cusub ee Galmudug Liibaan Axmed Xasan.
Sidoo kale Hogaamiyayaasha Maamulada Koofur-galbed,Hirshabelle iyo Waqooyi Bari iyo marti sharaf kale ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan Caleema saarka Liibaan Axmed Xassan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments