Natiijooyinka horudhaca ah ee doorashada Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa cadeynaya inuu guul dareystay Xisbiga Madaxweyne Trump ee Jamhuuriga.
Xisbiga Dimuqraadiga ayaa guul weyn soo hooyay taasoo loo maleynayo inay ka dhalatay dagaalka Iran oo ay ka caajiseen shacabka Mareykanka madaama wax guul ah aaney Mareykanku ka gaarin hadana dagaalkii iska socdo xili aduunkii sii cakirmayo marrka la eego qiimihii shidaalkuna cirka isku shareeray.
Xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump ayaa canaan cajiib ah ka helay doorashadii dhexe ee Mareykanka. Jamhuuriyiintu waxay galeen fiidkii iyagoo rajeynaya in ra’yi ururintu ay khaldan tahay oo ay ugu yaraan ku dhegganaan karaan xukunka Aqalka Senate-ka. Laakiin saqdii dhexe ee Washington,
Xisbiga Jamhuuriga waxaa ku dhacay guuldarradii ugu xumayd muddo 50 sano ah. Khasaaraha Jamhuuriga kuma koobnayn oo keliya nooca degmooyinka isbeddelka ah ee xisbiyadu badanaa ka walwalaan habeenka doorashada. Cabbirka khasaaraha ayaa ahaa mid aad u weyn.
Waxay lumiyeen kuraasta Aqalka Senate-ka ee gobollada sida Texas iyo South Carolina. Waxay lumiyeen degmooyin ay ku lahaayeen awood oo loo maleynayay inay yihiin kuwo aan laga adkaan karin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

