Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya Cabdala Cabdala Maxamed ayaa Ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka uu hayay,tani waxay ku soo aadeysaa xili maalmo ka hor uu baraha bulshada soo geliyay qoraal uu ku sheegay in dalku xaalad adag ku jiro ayna suurtagal tahay in dalka ay qabsadaan alshabaab sidii Daalibaan u qabsatay Afganistan oo kale.

