Xuutiyiinta oo Dalka Britain u hanjabay hadii ay soo farageliyaan arimaha Yemen

Mohammed al-Bukhaiti, oo ka mid ah xubnaha golaha siyaasadda ee Houthis, ayaa ku hanjabay inuu bartilmaameedsado danaha British-ka haddii London si toos ah uga farageliso dagaalka Yemen, sida lagu sheegay wargeyska UK-ga ee The Times.

Al-Bukhaiti wuxuu intaa ku daray in wax kasta oo iskaashi British ah oo la leh Sacuudiga ee ka dhanka ah Yemen ay la micno tahay ‘ka qaybqaadashada weerarka’.

Sidoo kale wuxuu ku sheegay qoraal uu kusoo dhigay Telegram in Britain, iyo sidoo kale Mareykanka, ay ‘cadaw u yihiin dhammaan dowladaha Carabta’, iyo in dalalka ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo UAE ay ka shaqeeyaan gudaha ‘qaab-dhismeedka’ danaha British-ka iyo Mareykanka.

Al-Bukhaiti waa Guddoomiyaha Gobolka Dhamar ee Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments