Dhalinyaradii ku soo baxday Xildhibnaanada Golaha deegaanka Gobolka Banaadir doorashadii qofka iyo codka ee Muqdisho hore uga dhacday ayaa Caawa diidmo culus waxay kala hor yimaadeen magacaabistii shalay ee Gudoomiyaha Degmada Boondheere kadib wareegto ka soo baxday Duqa Muqdisho Xasan Muungaab.
Xildhibnaanada Golaha deegaanka Gobolka Banaadir ayaa badankood waxay caawa tageen xarunta Xisbiga Madaxwyne Xasan ee JSP iyagoona halkaas ka sameeyay gadood ay ku diidan yihiin magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir taasoo keentay in ciidamo Dowlada ka tirsan ay isku dayeen inay kala eryaan balse ay diideen.
Dhalinayarada Golaha deegaanka Xamar waxay sheegay in ay jiifan doonaan xarunta Xisbiga JSPĀ ilaa inta uu uga imaanayo Madaxweyne Xassan Sheekh balse waxaa u tagay Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiir dowladaha arimaha dibadda Cali Balacad.
Sidoo kale warar la helayo ayaa sheegaya in halkaasi isna uu tagi doono caawa Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamza Cabdi Barre inkastoo aan la ogeyn waxa lagu qancin doono dhalinyarada Golaha Deegaanka Xamar ee ka carootay magacaabista xili ay hore cabasho uga qabeen sababta Dowladu u dhameystiri la’adahay doorashada ka dhiman Gobolka Banaadir.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

