MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Jen. Saadaq Cumar Xasan (Sadaq Joon) oo ah Wasiirka cusub ee Somalia ayaa lagu hor dhaariyay Shirka Baarlamaanka Somaaliya ,wuxuu ku dhaartay magacas Alle inuu daacad u noqonayo Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya.
Saadaq Joon sidoo kale wuxuu ku dhaartay inuu dhowrayo shareecada islaamka, Dastuurka iyo xeerarka Dalka.
Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga oo hadalo kooban ka jeediyay Baarlamaanka hortiisa isagoona si gaar ah u soo hadal qaday dastuurka cusub wuxuuna sheegay inuu ka mid ahaa xildhibaanadii u codeeyay dastuurka cusub islamarkaana dadaalka badan ku bixiyay sidii uu u hirgeli lahaa.
Haddaba halkaan ka daawo faah faahinta hadalka wasiirka isagoo muuqaal ah:-
