Wasiirka Cadaalada iyo Gudiomiyaha cusub ee Maxkamada sare oo kulan la yeeshay Garsoorayaasha

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝟎𝟗, 𝐍𝐨𝐯𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟔:—Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Garyaqaan Ibraahim Iidle Sulaymaan, ayaa kulan la yeeshay Garsooreyaasha Maxkamadda Sare, waxaana kulanka ku wehelinayey Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira habsami-u-socodka howlaha garsoorka, xoojinta wada-shaqaynta, isku-duwidda shaqada Garsooreyaasha, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa hufnaanta, tayada adeegyada bahda garsoorka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida garsoorka, ku dhaqanka sharciga iyo gudashada waajibaadka garsooreed, si loo xaqiijiyo caddaalad loo siman yahay bulshaduna kalsooni ku qabto hay’adaha garsoorka.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo nidaamka garsoorka iyo xoojinta hay’adaha caddaaladda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments