Xubin ka tirsan baarlamaanka ismaamulka Wajeer oo lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Axmed, oo la waayay Sebtembar 2024 ayaa dib ula midoobay qoyskiisa sida ay xaqiijisay warbaahinta gudaha Kenya.

Xildhibaanad laga soo doorto oo lagu magacaabo Wajeer Fatuma Jehow ayaa xaqiijisay in  qaraabada iyo asaxaabtiisu ay masuulkan ku soo dhaweeyeen gurigiisa oo ku yaal xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

“Tani waa mawjad nasasho ah oo aad u weyn, mowjad farxadeed, waxaan ​​dareemi karaa murugada wadajirka ah ee qof walba oo reer Wajeer ah, gaar ahaan dadka aan jecelnahay ee Eldas, oo culeyskan nala qaaday,” ayay ku soo qortay Facebook, Xildhibaannad Fatuma Jehow.

Ninkan ayaa la sheegay in la afduubay bishii Sebtembar ee sanadkii 2024-kii, balse 8-dii bishan Maarso ayuu qoyskiisa dib ula midoobay, ayadoo aan faahfaahin laga bixin sida loo soo daayay.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version