MANDERA (DAYNIILE.COM)-Weerar ay soo qaadeen kooxo aan ilaa iminka la aqoonsan ayaa sheegaya in lagu dilay ilaa 8 ruux kuwaasoo isugu jirey injineero iyo Askar ka tirsan Kenya waxaana meyadkooda la gaarsiiyay goobaha meyadadka la dhigo.
Dadkaan la laayahay ee injineerada u badan ayaa ka shaqeynayay wado laami ah oo dhismaheedu uu ka socday inta u u dhexeysa Ismaamulka Mandera iyo iyo degmada Carabiya walina ma jirto cid sheegatay weerarkaani.
Askarta la dilay waa 3 halka injineerada ay 5 ka yihiin waxaana lagu weeraray gaari ay isla saarnaayeen ,Hay’adaha amaanka Kenya ayaa lagu wadaa inay faah fahin dheeraad ah ka bixiyaan weerarkaani iyo cida lagu tuhun yahay.
Inkastoo wararka qaar sheegayaan in tirada dhimashadu ka badan karto 8 ruux ayaa hadana warar aan ku helnay in 3 ka mida ay yihiin Soomaali halka inta kale ay Kenyaan u badan yihiin.
Inta badan weerarada ka dhaca Gobolada Soomaalidu degto ee ku yaal xad beenaadka Kenya iyo Somalia waxaa weerarada ka gaysta Alshabaab walow aysan wali sheegan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

