MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh ayaa kulan xasaasi ah wuxuu kula yeeshay Madaxtooyada Somalia Hogaamiye ku Xigeenka Hirshabelle C/fataax Xasan Afrax iyo inta badan Xildhibaanada beesha Xawaadle.
Kulankaan waxaa looga hadlay sida ay ka yeeli lahaayeen xiisada ka taagan Magaalada Baladweyne oo ay dhaq dhaqaaqyo hubeysani ka wadaan siyaasiyiin iyo maleeshiyaad ka soo horjeeda siyaasada Dowlada iyo maamulka Hirshabelle ee dhawaan lagu doortay Jowhar.
Muhiimada ugu weyn kulanka ayaa ahayd sidii xal loogu heli lahaa xiisadaasi iyo kacdoonka Dowlada iyo Hirshabelle looga soo horjeedo xili Hogaamiye ku xigeenka uu doonayo inuu Baladweyne gaaro balse laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhasho tagistiisa.
Warar madax banaan lagama hayo kulankaasi waxyaabaha qarsoon ee looga hadlay xili Dowladu wajaheyso culeys siyaasadeed oo kaga imaanaya duulaanka dalka lagu soo qaaday sida waxgaradka Soomaaliyeed aaminsan yihiin madaama ay Dowlado cadow ku ah Somalia u heshiiyeen Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

