DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Hogaamiyaha cusub ee Galmudug Liibaan Axmed Xasan ayaa daboolka ka qaadau inuu waxqabadkiisa koowaad ka dhigi doono la dagaalanka Kooxda Alshabaab kuwaasoo gacanta ku heyo deegaano badan oo Galmudug ka tirsa.
Liibaan Axmed Xasan wuxuu carabka ku adkeeyay in Alshabaab ay ka saari doono dhulalka ay ka heystaan Galmudug kadibna ay u jiheysan doonaan inay ka caawiyaan Maamulada kale sidii ay Alshabaab isaga dulqaadi lahaayeen.
“Kooxda argagaxisada ah waxay u adeegaan gacmo shisheeye,dhawaa guluf dagaal ayaan ku qaadeynaa” ayuu yiri Hogaamiye Liibaan Axmed Xassan
Hogaamiyaha wuxuu xusay inay la dagaalanka Alshabaab la kaashan doonaan kaashaneyna Dowlada Faderaalka Somalia iyo maamul goboleedyada Dalka
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

