Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan oo xilka iska casilay

Ku: Hogaamiyaha Dowladda Hirshabeelle

Og: Wasiirka Arimaha Gudaha Hirshabelle

Og: Hogaamiye kuxigeenka Hirshabelle

Og: Madaxweynaha JFS.

Ujeeddo: Is-casilaad.

Anigoo ah Mudane Muuse Salaad Wehliye ahne Gudomiyaha Gobolka Hiiraan. waxaan si rasmi ah idiinku soo gudbinayaa go’aankayga ku aaddan inaan iska casilo xilka Gudomiyaha Gobolka Hiiraan.

Go’aankaygan wuxuu ka dhashay kala aragti duwanaansho aniga iyo madaxda sare oo ku saabsan habka iyo jihada loo wajahayo xalinta tabashooyinka iyo cabashooyinka ay qabaan bulshada Rer Hiiraan oo soo jireeenka ah.

Anigu ka Gudoomiye ahaan waxaan aaminsanaa in tabashada shacabka aan lagu wajihi karin Qori caaradiis, xoog, Maquunin, iska indho-tir iyo dib-u-dhac, balse ay u baahan tahay dhegeysi dhab ah, wada-hadal daacad ah, garowsho Qaran iyo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu qancinayo bulshada tabashada qabta.

Waxaan mar walba aaminsanahay in xilka dowladnimo uu yahay masuuliyad ka weyn jagada qofku hayo, isla markaana ay waajib tahay in la dareemo Lana tixgeliyo duruufaha, cabashada iyo xaqiiqada ay ku nool yihiin dadka aan masuulka ka nahay.

Hadaba maadaama aanan isku aragti ka noqon Karin habka ugu habboon ee loo wajahayo arrimahaas, waxaan go’aansaday inaan xilka iska casilo, anigoo ilaalinaya damiirkayga, mabda’ayga iyo dareenka aan u hayo shacabka reer Hiiraan ee wajahaya duruufaha qallafsan.

Ugu danbeyn, waxaan Alle uga baryayaa shacabka rer Hiiraan Nabad, Caddaalad, Midnimo iyo Dowladnimo ku dhisan kalsooni, wax wada lahaansho iyo is-aaminaad la taaban karo.

F.G Xilku waa xil ku meel gaar ah, balse damiirka, mabda’a iyo dareenka shacabka waa masuuliyad qofka la joogta Lana joogi doonta.

Wabillaahi Tawfiiq

Muuse Salaad Wehliye

Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments