Dowladda Soomaaliya oo Guulo ka sheegatay dagaalka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Boos-hareeri ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilowday markii Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadey fariisimo ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaankaas, oo kadibna la wareegtay.

War-saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawisleyda ay gacanta ku dhigeen gaadiid iyo saanad ciidan oo ay wateen xubnaha Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka mid ah isku dhacyada socda ee ka dhaca gobollada kala duwan ee Soomaaliya, kuwaas oo dowladda iyo ciidanka deegaanka ay la dagaallamayaan Al-Shabaab.

Dhanka kale, Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay shalay weerar ku dishay taliye sare oo katirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabi jiray Abukar Abdulle Raage Gar-Maqaate.

Weerarka oo nawaaxiga Boos-Hareeri ka dhacay waxaa sidoo kale ku dhintay askar la socotay taliyaha, iyadoo Al-Shabaab ay soo bandhigtay hub iyo gaadiid ay sheegtay inay meesha ka qaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here