Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xariirka ay la leedahay dalka isku tagga Imaaraadka carabtu uu aad u wanaagsanyahay, islamarkaana aanu wax ka badelayn booqashadii heerka sare ahayd iyo marti-qaadkii madaxweyne ee ay dhowaan u sameeyeen madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro.

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad oo wareysi siiyay TV-ga dowladda ayaa sheegay in Imaaraadku ay dhowaan madaxweynaha Soomaaliland ku marti-qaadeen shir ganacsi, taasi aysan wax dhibaato ah keenayn, asagoo intaa ku daray in ay Soo dhoweynayaan in madaxda dowlad goboleedyadu ay sidoo kale shirarka noocaas ah ka qeyb-galaan.

Dowladda Imaaraadka ayaa dhowaan madaxweynaha Soomaaliland ku mart-qaaday hab-maamuus heer madaxweyne dal, si uu ugu qeyb-galo, shirkii World Governments summit, ayadoo ay xusid mudan tahay in wasiirro DFS ka socatay lagu qoray magaca “Somaliland Republic”, inkastoo dib loo saxay.

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa dhowaan sheegay inay qaadayaan tillaabooyin ka dhan ah hab-dhaqanka Imaaraadka, asagoo sheegay inaysan oggolaan doonin faragelin Arrimaha gudaha dalka lagu sameeyo.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version