Maamulka Puntland oo beeniyay in askar calooshood u shaqeystayaal ah laga dhoofiyay Boosaaso

May be an image of one or more people, beard and newsroomGAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Maamulka Puntland Cabdifataax Cabdi-nuur ayaa ka hadlay warbixin dhawaan lagu shaaciyay TV-ga Qaranka kaasoo looga hadlaay dhibaatoyinka Dowlada Imaaradku ka geysatay dhulka Somalia gaar ahaan Maamulka Puntland.

Wasiirka wuxuu beniyay in ciidamo Calooshood u shaqaystayaal ah oo u dhashay Dalka Colombia laga dhoofiyay Garoonka diyaaradaha Boosaaso islamarkaana loo direy inay soo laayaan shacabka muslimiinta ah ee Sudan.

Wasiirka wuxuu wararkaani ku tilmaamay hadalo marin habaabin oo  lagu Jaha-wareerinaayo dadka Somaliyeed inkastoo uusan la iman xujooyin cad cad oo adkeynaya beenintiisa.

Dhanka kale Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Maamulka Puntland wuxuu difaacay xiriirka ay la leeyihiin Dowlada Imaaraadka Carabta isagona xusay inay maalgeliyeen Puntland islamarkaana ay ka faa’iideen puntland ahaan.

“Maamulka Puntland iyo Dowlada Imaaraadka Carabta waxaa ka dhexeeyo xiriir taariikhi ah, waxay wada galeen heshiisyo dhowr ah sida difaaca,dhaqaalaha iyo horumarinta” ayuu yiri C/fataax Cabdi-Nuur

Haddaba halkaan ka daawo faah faahinta hadalka wasiirka isagoo muuqaal ah:-

XAFIISKA cWARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments