Xildhibaan San-yarre oo fariin culus u direy Gudoomiyaha Aqalka sare

Xildhibaan C/ladiif Muuse Nuure (San-yarre) oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa barihiisa bulshada wuxuu ku soo gudbiyay fariin kooban oo u direy Gudoomiyaha Aqalka Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo ah rug cadaa siyaasadeed.

Xildhibaan San-yarre oo ka mid ah mucaaradka Dowlada ayaa Gudoomiye Cabdi Xaashi wuxuu u soo jeediyay inuu sharciga ilaaliyo xili uu aad ugu amaanay inuu ku yaqaan nin sharciga ixtiraama islamarkana musuqmaasuqa neceb.

Fariinta siyaasadeysan ee Xildhibaan Sanyarre oo sideeda u qoran halkaan ka akhriso:-

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaan kugu aqaanay nin sharciga ixtiraama, musuqmaasuqa neceb, isla markaana ilaaliya sharafta iyo karaamada xilka uu hayo.

Waxaad ogtahay in muddadii sharciyeed ee Golaha aad hoggaamiso ay dhammaatay 14-kii Abriil 2026. Haddaba, ma waxaad ku dayanaysaa, Cabdulaqadir Maxamed Nuur- Jaamac oo ku fadhiya xildhibaannimo sharciyaddeeda la isku hayo, isla markaana guddoonka uu hayo aan si waafaqsan habraaca sharciga ah loogu dooran, balse doorashadiisa loo sameeyay qaab aan tartan dhab ah lahayn?

Mudane Guddoomiye, waxaan si xushmad leh kuugu soo jeedinayaa inaad ilaaliso sharaftii, sumcaddii iyo mabda’ii lagugu yaqaanay, kana fogaato tallaabo kasta oo dhaawici karta taariikhdaada siyaasadeed iyo kalsoonidii lagugu qabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments