BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal sababay dhimsho iyo dhaawac xili maalmihii ugu danbeeyay ay halkaasi ku badaneysay cabsida laga qabay dagaal.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kooxaha kacdoonka ka wada Baladweyne iyo kuwa Dowlada taageersan ay goor dhaw isku rasaaseeeen bariga Baladweyne gaar ahaan xaafadda Howlwadaag inkastoo waxaana rasaastu gaartay meelo ka baxsan halka lagu dagaalamayay.
Inta laga war hayo 2 ruux ayaa dhimatay kuwaasoo kala ah cunug yar oo xaafadiisa uu ugu tagay baalooto gantaalka garabaha laga gamo ah ee sabanka loo yaqaan kaasoo ka yimid dhinacyada dagaalamayay.
Sidoo kale qofka labaad ee dhintay ayaa ah nin watay gaadiid nuuca raaxada ah kaasoo isna xabadu habow ah ku dhacday isagoo laamiga maraya,sidoo kale waxa jira dhaawacyo aan wali cadadkooda saxda ah lahayn.
Tan iyo markii Ugaaska Beesha Xawaadle isugu yeeray ciidamada reerkiisa ee ku jira Milateriga Somalia waxaa sii kordhayay xiisadaha dagaal ee ka taagan Magaalada Baladeyne madaama ay isla joogaan ciidamo siyaasad ahaan iska soo horjeeda.
XAFIISKA cWARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
