Xamaas oo sheegtay in Isra’iil ku fashilantay isku day ay ku rabeen inay ku dilaan Sarkaal sare

Masuuliyiinta Xamaas ayaa daboolka ka qaadeen inuu fashilmay isku day ay Israa’iil ku doonaysay inay disho Cizzudiin al-Hayya, oo ah wiilka Khalil al-Hayya, oo ahaa madaxii xafiiska siyaasadda Xamaas  kadib weerar ay ku qaadeen habeenimadii Jimcaa ah.

Isku daygan fashilmay ayaa qeyb ka ah Weeraro taxane ahaa oo ay ciidamada Israeli hore ugu dileen saraakiil Xamaas ka tirsanaa xili uu jiro heshiis xabad joojin oo laga dhaqan geliyay Qaza.

Hay’adda difaaca rayidka ee Gaza ayaa sheegtay in ciidamada Israel ay toogteen toddobo qof guud ahaan dhulka maalintii Jimcaha.

Weerarkaan isku deygiisu ahaa dilka wiilka yar ayaa ka dhacay guri ku yaal xaafadda Rimal, ee galbeedka Magaalada Gaza ah sida ilo amni u sheegeen Wakaalada Wararka AFP.

Si kastaba Israa’iil wali kama hadlin fashilka ku yimid howlgalkooda inkastoo wakaalada wararka AFP ay u sheegeen inay baarayaan wararkaan soo baxay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments