Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Antonio Tajani wuxuu sheegay in baaritaannada Kuwait ay xaqiijiyeen in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka ku dilay labada ruux ee Talyaaniga ah laga leeyahay Dalka Iran.
Iiraan, ayaa diiday eeda loo jeediyay iyagoona soo jeediyay inay ku biiraan guddiga baaritaanka oo ay la socdaan Talyaaniga iyo Kuwait.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ee Iiraan (IRGC) waxay sheegeen in labo markab oo saliid ah uu dab qabsaday kadib markiiĀ ay ku dhaceen miino badeed ku aasnaa dekedda Khasab ee Cumaan iyo Gacanka Bari ee Hormuz.
Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inay curyaamiyeen markab ganacsi oo ku sugnaa Gacanka Cumaan Khamiistii, iyagoo sheegaya in shaqaalihiisu ay isku dayeen inay ka baxsadaan xanibaadda badda ee Mareykanka ee Iiraan.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
