XOGTA: Gogasha uu dhigay Madaxweyne Xasan oo loo helay damaanad qaadka USA iyo UK

Mucaaradka ayaa dhibco siyaasadeed ka heley Dalalka Mareykanka iyo UK kadib markii Dowlada Somaliya iyaduna taageere siyaasadeed ka heshay Midowga Afrika kuwasoo muujiyay sida ay ula dhacsan yihiin siyaasada uu  Madaxweyne Xasan ku hagayo Dowladiisa.

Sida aan xogaha ku heleyno Mareykanka iyo UK  ayaa bixiyay damaanad qaad siyaasadeed marka la eego gogosha uu Madaxweyne Xasan u dhigay mucaaradkiisa,Dalalkaan reer Galbeedka waxay dusha saarteen qabsoomida gogosha  horaanka bisha December .

Dalalka UK iyo Mareykanka waxay xuseen inay gacan weyn ka geysan doonaan in fasaxa sanadka cusub intaan la gelin dhinacyada Soomaalidu gaaraan heshiis doorasho.

Inkastoo Madaxweyne Xasan uu sheegay inuu gogol u dhigay mucaaradka hadana Mareykanka wuxuu si gaar ah u sheeganayaa sida ay wararka qaar sheegayaan inay iyagu iclaamin doonaan goobta shirka ,waqtiga iyo bixinta casuumaada

Uma badna in Madaxweyne Xasan aqbali doono in shisheeyuhu door weyn ku yeesho arimaha hoose ee Somalia tasoo uu marar badan ku celceliyay in masuuliyada arimaha dalka ay leedahay Dowlada Somalia kaliyana ay caalamka u gol yihiin goob joog inay ka noqdaan.

XAFIISKA cWARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments