ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Golaha nabada & Amaanka Midowga Afrika ayaa taageere weyn oo dhanka siyaasada ah waxay u muujiyeen Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo guud ahaan Dowlada uu hogaaminayo taasoo guul daro u noqon karta mucaaradka xili waqti kala guur lagu jiro.
Midowga Afrika waxay si buuxda ugu taageereen Dowlada Somalia doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee ka kala dhacay Caasimada Muqdisho iyo sedexda Maamul Goboleed ee kala ah Hirshabelle,Galmudug iyo Koofurgalbeed.
Sidoo kale Midowga Afrika waxay taageeeen gogosha nabadeed ee Madaxweyne Xasan uu u dhigay mucaaradkiisa iyo doorashooyinka uu qorsheeyay inay dhacaan sanadka 2027-ka.
Madaxweyne Xasan ayaa u muuqda inuu mar kale mucaaradka dhadansiiyay xanuun siyaasadeed madaama maalmihi ugu danbeeyay Dowladu culeysyo weyn kala kulmaysay dagaalo wajiyo badan iyo furumo badan oo kaga furmayay Gobolada Dalka sida Hiiraan,Shabeelaha hoose iyo Bay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
