Waa kuwee Soomaalida uu Trump u mahad-celiyay una oggolaaday inay joogi karaan Mareykanka?

=XIGASHO BBC SOMALI=Trump

Iyadoo qoysaska Mareykanka ay isugu yimaadeen dabaaldegga mid ka mid ah ciidaha ugu waaweyn sannadka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii munaasabadda Thanksgiving-ka u adeegsaday inuu ku weeraro dadka siyaasadda aragtida xorta ah qaba, muhaajiriinta iyo hay’ad ka tirsan dowladda federaalka.

Farriin uu ku baahiyay bartiisa Truth Social ayuu Trump hambalyo ciideed ugu diray dad uu ku eedeeyay musuqmaasuq, khaladaad iyo falal dembiyeed.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan Thanksgiving farxad leh u rajeeyo dhammaan dadka sida aadka ah uga shaqeeyay inay dalkeenna u jiheeyaan dhinaca bidixda xagjirka ah,” ayuu Trump ku yiri qoraal ka koobnaa 461 eray.

Farriinta ayaa la baahiyay xilli madaxweynaha Jamhuuriga uu fasaxa qoysaska loogu talagalay ku qaadanayay naadigiisa golf-ka ee Trump International Golf Club, oo ku yaalla West Palm Beach, gobolka Florida.

Waxaa la filayay inuu gelinkii dambe ee shalay Khamiistii dambe khadka telefoonka kula xiriiro ciidamada Mareykanka ee ku sugan saldhigyada kala duwan, isagoo jooga hoygiisa Mar-a-Lago.

Farriintiisa hambalyada ciidda ayuu Trump dowladda uu isagu hoggaamiyo ku eedeeyay inay been-abuur ka sameyso xogta dhaqaalaha Mareykanka.

Waxa uu sidoo kale ka digay dadaallo ay wadaan dad uusan magacyadooda sheegin oo uu sheegay inay doonayaan in dalka laga hirgeliyo shareecada Islaamka, isla markaana si khasab ah dib loogu qaybiyo hantida gaarka loo leeyahay.

Waxa kale oo uu tiro badan oo muhaajiriin ku nool Mareykanka ah iyo dadka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ku tilmaamay dad shaqo la’aan ah ama dembiilayaal ah.

Trump

“Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo 2% dadka Soomaalida ah ee dalkeena ku nool, kuwaas oo shaqo haysta, diyaarna u ah inay shaqeeyaan, iyagoon wax kaalmo ah ka qaadanayn Dowladda,” ayuu Trump ku qoray qoraalkiisa. “Kuwani waa ‘muwaadiniin’ Maraykan ah oo aad u wanaagsan, waana in loo oggolaadaa inay dalkeenna sii joogaan, oo ay nala dabaaldegaan maalinta ‘Thanksgiving’-ka. Kuwa kale waa in si degdeg ah dalka looga saaraa; tallaabadaas oo badbaadin doonta Gobolka weyn ee Minnesota, kaas oo aan wax fursad ah u yeelan doonin haddii dadkaas loo oggolaado inay sii joogaan.”

“Minnesota, waxaan miiska Thanksgiving-ka u soo jiidnaa kursi dheeraad ah,” ayuu raaciyay. “Sida muuqata, Trump wuxuu doorbidayaa inuu dalkiisa ka masaafuriyo dadka ku hareeraysan miiskaas.” Ayuu intaa raaciyay.

Daraasad ay samaysay Xarunta Daraasaadka Socdaalka ee 2025 ayaa lagu ogaaday in qiyaastii 81% qoysaska soogalootiga ah ee Soomaalida ah ee Minnesota ay helaan nooc ka mid ah gargaarka dadweynaha, halka Minnesota Compass ay heerka shaqada ee dadka da’da shaqada ku jira ee Soomaalida ah ee Minnesota ku sheegtay qiyaastii 70%.

Trump wax caddayn ah uma soo bandhigin eedeymahaas uu ujeediyay Soomaalida ku nool dalkaas Mareykanka, kuwaas oo qaarkood ay ahaayeen hadallo uu muddo dheer ku celcelinayay.

Xafiiska Falanqaynta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Ganacsiga Mareykanka ayaan markiiba ka jawaabin codsi looga dalbaday inuu arrintan ka hadlo.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale difaacay mashaariicda dib-u-habaynta ee Aqalka Cad, isagoo sheegay in wariyeyaasha iyo shacabka ay si khaldan u fahmeen.

Xisbiga Jamhuuriga ee Trump ayaa guuldarrooyin waaweyn kala kulmay doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka ee dhacday 3-dii Nofeembar, waxaana bisha Janaayo uu lumin doonaa gacan ku haynta labada aqal ee Congress-ka Mareykanka.


=XIGASHO BBC SOMALI=

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments