GAROWE (DAUYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Garowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegaya in Ciidamada amaanku maanta hor istaageen banaan bax ay dhigi rabeen shacabka Magaaladaasi.
Sida xogaha la helay ay sheegayaan in shacabka ayaa cabasho ka ahaa kororka qarashaadka adeegyada biyaha ,shidaalka,korontada iyo maciishada xili maalmihii ugu danbeeyay ay baraha bulshada qabsadeen cabashada shacabka reer Puntland.
Ciidamada ayaa kala eryay shacabkii isku soo baxay ee ku balansanaa inay cabashadooda muujitaan balse waxaa la yaaab leh maamulkii ay u caban rabeen ayaaba hor istaagay si arimahooda aysan banaanka ugu bixin.
Maalmihi ugu danbeeyay waxaa baraha bulshada lagu soo bandhigayay warar iyo muuqaalo aan xaqiiqadooda si rami ah loo xaqiijin karin oo sheegayay in qoysas Puntland qaarkood u barakaceen dhanka Magaalada Jigjiga mdaama maamulka Puntland wax ka qaban waayay dhibaatada maciishada ee ka taagan Magaalooyinka Puntland.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
