Dowlada Somalia ayaa dhawaan shaacisay in la sameeyay baasaboor cusub oo Dalku yeelan doono iyadoo la ogyahay in midkii hore inta badan dalalka dunidu diideen in lagu dhex joogo dalalkooda xili ay amni ahaan uga cabsanayaan madaama si sahlan lagu heli karo.
Hadaba maxaa lagu soo kordhiyay midka cusub islamarkaana uu kaga duwan yahay kii hore, ugu horeyn sida aan xogta ku helnay baasaboorka cusub ee Somalia waxaa aad loo adkeeyay dhanka amniga marka la eego habka loo qaadan doono.
Baasaboorkan cusub ee jiilka saddexaad (Third Generation E-Passport) waxaa la sheegay inuu leeyahay tiknoolajiyad casri ah iyo astaamo amni oo aad sare loogu qaaday,waxay astaamahaani sahlayaan xaqiijinta aqoonsiga qofka iyo yareynta been-abuurka.
Sidoo kale astaamaha amniga waxay kor u qaadayaaan kalsoonida dukumentiyada safarka Soomaaliya,wuxuu noqon doona sedex nuuc baasaboorka cusub, Baasaboorkaan cusub waxaa loogu talo galay inuu la jaanqaadaya heerarka iyo naqshadaha dalalka xubnaha ka ah Ururka Bariga Afrika (EAC).
Madaama Somalia ku biirtay Ururka bulshada Bariga Afrika wuxuu baasaboorkani aad u saacidi doonaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dooneysa inay ganacsi ahaan la macaamilaan dalalka Bariga Afrika iyagoona tagi doona dalalkaasi iyagoon wax visa ah dalban,sidoo kale shacabka dalxiisayada iyo kuwa waxbarashada raba ayuu aad u anfici doonaa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
