Diyaarad UN-ka uu leeyahay oo Baladweyne lagu xabadeeyay

BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Kooxo hubeysan ayaa rasaas ku furay diyaarad nuuca qumaatiga u kaca oo ay leedahay Hay’ada Qaramada Midoobe sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada  maamulka Hirshabelle Faarax Maxamed Cusmaan.

Wasiirka wuxuu sheegay in rasaasta lagu furey diyaarada uu ku dhacay garbaha diyaarada xili hore ay uga digeen qatarta ay yeelan karaan kooxaha hubeysan ee garoonka dhawaan soo buuxdhaafiyay.

Diyaarada ayaa fadhiday gudaha garoonka diyaaradaha Ugas Khalif ee Magaalad Baladweyne xiliga rasaasta lagu fuirayay ,wasiirka ma magacaabin cida qaadeysa masuuliyada dhibaatadaasi.

Dhanka kale Ciidamada Jabuuti ee masuulka ka ah Garoonka iyo ciidamada Beesha Xawaadle ee garoonkaasi dhinac ka jooga ayaan wali war ah ka soo saarin dhacdadaani lamana oga inay beenin doonaan iyo inkale.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments