Qaariga Quraanka Sheekh Xasan Alwaajidi ayaa 9 maalin uu xabsi ku jirey kadib bartiisa Facebook soo geliyay muuqaal uu kaga hadlay xariga loogu geystay dalka Kenya xili uu doonayay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Joma Kenyata ee Nairobi kuna soo jeeday Muqdisho.
Sheekh Xasan Alwaajidi wuxuu warkiisa ku bilaabay in xabsiga uusan wax dhibaato ah kala kulmin ,sidoo kale wuxuu sheegay in xarigiisa ay ka danbeeyeen shaqsiyaad Soomaali ah isagoona meesha ka saaray in Dowlada Kenya wax lug ah ku lahayd xarigiisa.
Hay’adaha amniga Dowlada Kenya ayuu Qaarigu sheegay inay u cadeeyeen inaysan iyagu wax danbi ah ku heysan , wuuna uga mahadceliyay Dowlada Kenya sida xabsiga loola macaamilay oo si wanaagsan ku tilmaamay.
“Dowlada Kenya kama danbeyn xarigeyga, waxna iguma heysato waxayna i dheheen anaga hadaan xarigaaga rabno mamtazum aad joogtaa waa ku garaneynaa” ayuu yiri Sh.Xasan Alwaajidi
Sheekh Xasan Alwaajidi wuxuu beeniyay wararkii la faafiyay intuu xirnaa ee lagu sheegayay in loo heysto hadalka uu ku dhahay ilmihina gaalada ha u geysan.
Dhanka kale Qaariga wuxuu cadeeyay inuu iska cafiyay Soomaalida ka danbeysa xarigiisa isagoona magacyadooda sheegin, wuxuu sidoo kale warkiisa ku cadeeyay inuu xabsiga ka soo ogaaday inay jiraan soomaali xitaa lacag ku bixisay in dalka Kenya laga saaro sidaas oo kalana wuxuu carabka ku adkeeyay in kuwaasna uu iska cafiyay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
