MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Yaasiin Fareey iyo mudanayaal kale ayaa shirkii Baarlamaanka ee shalay waxay ka cadeeyeen inay jiraan Kumanaan kun askar Booliis ah kuwaasoo aan wax mushaar ah Dowlada ka helin mudo sanado ah.
Xildhibaanada waxay sheegeen in 2 ilaa 3 kun oo ka mid ah ciidamada Booliiska aysan wax mushaar ah qaadan labadii sano ee ugu danbeysay xili wasaarada amniguna shalay Baarlamaanka horgeysay mooshin ku saasan wax ka badalka misaaniyada.
Xildhibaano dhowr ah oo rag iyo dumar isuu jirey ayaa si isku mid ah waxay u soo jeediyeen gudiga Maaliyada iyo wasaaarada Maaliyada inay dib u eegaan ciidamaan aan dhowr sano mushaarka qaaday islamarkaana sida ugu dhaw loo siiyo mushaar.
Xildhibaanada waxay wax lala yaabo ku tilmaameen in sanad kasta ciidamada Nabad sugida miisaaniyada ku baxda loo kordhiyo iyagoona tusaale u soo qaatay in hada markii ugu danbeysay sanadkaan la kordhiyay misaaniyada ciidamada Nabad sugida iyos sirdoonka qaranka 1.6 Milyan Doolar.
Xildhibaanadaan shalay sida wayn ugu dooday Ciidamada Booliiska ee aan mushaarka qaadan ayaa Xukuumada Somalia u soo jeediyay inay ciidamada kala diraan oo dhahaan la idinka baahna ama ay sida ciidamada kale siiyaan mushaarka ay xaqa u leeyihiin,
Xukuumada waxaa loo soo jeediyay eedo badan sida inay mushaar iyo shaqaale cusub loo qoro Hay’ado gaar loo leeyahay oo mar kasta la sameeyo halka mushaar loo la’yahay shaqaale hore ama ciidamo Dowlada ka tirsan.
“macquul maaha in ciidamo cusub Dowladu hada qoranayso iyadoo kuwii joogay mushaar loo la’yahay” ayuu yiri mid ka mid ah Xildhibaanada u dooday booliiska mushaar la’aanta ay heyso.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
