MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah Muqdiso ugu casuumay Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni sida ku cadayd warmurtiyeedkii labada Madaxweyne shalay ka soo wada saareen Caasimada Kampala.
Casuumaadaan ayaa warar aad u xooggan waxay sheegayaan inay salka ku heyso si uu uga qeybgalo kulan Muqdisho ku dhexmari doona Madaxda Dowlada Somalia iyo mucaaradkeeda oo ay beesha caalamku dhex dhexaadin doonto xili Museveni uu ka mid yahay goobjoogayaasha.
Hadaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah maxay kaga dhigan tahay Soomaaliya in wali aan laga gudbin in beesha caalamku dhex dhexdhexaadiyaan shir arimaha Somalia looga hadlayo,jawaabo kala duwan ayaa baraha bulshada la isku dhaafsaday iyadoo dadka ka soo horjeeda Dowlada ay ku fasireen fashilka Madaxweyne Xasan dhex fadhiyo waqti xaadirkaan.
Sidoo kale ceeb iyo fadeexad ayaa loo arkaa in Madaxweyne Xassan Campala u tagay si uu Madaxweyne Museveni uga dalbado inuu dhex dhexaadiyo Soomaalida dhexdeeda.
Dhinacyada taageersan Dowlada ayaa iyaguna ku doodaya in hada aysan ugu horeyn shir Dowlada Somalia iyo mucaaradkeeda oo shisheeye uu dhex dhexaadinayo madaama mucaaradku xuja ka dhigteen islamarkana shirar nuucaan ah oo beesha caalamku dhex dhexaadineyso ay hore Muqdisho uga dhaceen tana ay tahay isla intii hore xamar loogu arkay,
taageerayaasha Madaxweyne Xasan waxay ku doodayaan in Madaxweynuhu waligiisba diidanaa in dal shisheye loo aado isu keenida soomaalida islamarkaana shirkii shalay Campala ka dhacay uu madaxwenuhu diiday in shirku Campala ka dhaco taas badalkeeda xamar lagu shiri doono.
Sidoo kale taageerayaasha Xasan Sheekh waxay aaminsan yihiin gogoshii madaxweynuhu dhigay iyadii uun in la cusbooneysiiyay wax is badalayna ay tahaya kaliya markii ugu horeysay in shirka nuucaan ah uu xaadir ka noqdo madaxweynaha Uganda
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
