XOGTA: Howlgal Saaka Kumaandooska Danab ay ka wadaan deegaanka Jameeco

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in Milateriga Somalia gaar ahaan kumaandooska Danab Saaka ay howlgalo ka wadaan deegaanka jameeco ee Gobolka Shabeelaha hoose inkastoo aysan gudaha u gelin kaliyana waxay gaareen afaafka hore ee deegaankaasi.

Ciidamada oo aan wali si rasmi ah gudaha ugu gelin deegaanka Jameeco oo ay heystaan Alshabaab ayaa wararku waxay sheegayaan in qorshahoodu yahay inay maanta gacanta ku dhigaan guud ahaan deegaanka Jameeco oo aad ugu dhaw Balidoogle.

Weerarkaani ayaa hore qeyb uga ahaa howlgalka  Banooda ee dhawaan ku fashilmay isla deegaankaasi jameeco xili qorshaha Howlgalka Banooda uu ahaa in Buurhakaba laga saaro dagaalyahanada Alshabaab iyo kuwa Laftagareen oo isla socda.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in dib boorka looga jafay Howlalka Banooda islamarkaana wax badan laga badalay sida saraakiishii horkaceysay oo qaarkood xabsiga ku jiraan kadib fashilki weerarkii hore iyo qaab socodka oo wax laga badalay.

Kumaandooska Danab waxaa u qorsheysan inay maanta gabi ahaanba Alshabaab kala wareegaan deegaanka Jameeco iyagoo sidoo kale weerarka ku dhinac wada sidii ay miinooyinka uga saari lahaayeen inta u dhexeysa Balidoogle iyo Jameeco.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments