Madaxweynaha Uganda oo arimaha Somalia kala hadlay Mareykanka

KAMPALA (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Campala ee caasimada Dalka Uganda ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dalkaasi Yuweri Museveni uu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Dalka Mareykanka.

Yuweri Museveni waxyaabaha uu Mareykanka kala hadlay waxaa ka mid ahaa arimaha Somalia gaar ahaan xiisada ka dhextaagan Dowlada Somalia iyo mucaaradkeeda ,Sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay mowqifka uu Mareykanku halka sano ugu kordhiyay dhaqaalaha uu ku bixin jirey ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Somalia.

Museveni mar uu soo hadal qaaday xiisada siyaasadeed ee ka dhex taagan Dowlada Somalia iyo mucaaradkeeda ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii loo gaari lahaa  si loo gaaro xasilooni waarta iyo heshiis loo dhan yahay dhanka siyaasada ah.

“Waxaa naga go’an sidii heshiis siyaasadeed ay u wada gaari lahaayeen dhinacyada Soomaaliya isku haya” ayuu yiri Madaxweyne Museveni

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments