MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirkii Difaaca Xukuumada Somalia Axmed Macalin Fiqi oo maanta xilka laga qaaday ayaa bariiisa bulshada uga hadlay sida uu u arko xilka laga qaaday xili uu muujiyay bisayl siyaasadeed.
Axmed Macalin Fiqi wuxuu bartiisa Facebook ku soo qoray qoraal kooban isagoona xusay inuu soo dhaweynayo magacaabista Wasiirka isaga lagu badalay ee Saadaq Joon.
“Waxaan soo dhowaynayaa magacaabista walaalkay Md. Saadaq Cumar oo loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga, waxaan ilaahay uga baryayaa inuu u fududeeyo xilkaas weyn oo ku soo aaday waqtiga adag” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi
Wasiirkii Difaaca Axmed Fiqi oo aad ugu dhawaa Madaxweyne Xasan islamarkaana ahaa difaacaha Dowlada ayaa xilka ku waayay habka wood qeybsiga Beelaha oo aan u saamaxayn madaama dhawaan Hogaamiyaha Galmudug loo doortay Liibaan Axmed Xasan oo ay jufo hoose isla yihiin Axmed Macalin Fiqi halka Saadaq Joon isna ay jufo hoose isla yihiin Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.
Dadka siyaasada u dhuun duleela ayaa sheegaya in heshiiskii Qoor-Qoor iyo Dowlada ay Dhuusamareeb ku galeen si uu xilka u baneeyo ay ku jirtay in Saadaq Joon la siiyo Wasiirka Gaashaandhiga Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
