Saadaq Joon oo loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga kadib marki Fiqi xilka laga qaaday

Isniin , 23 Nofeembar, 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalida Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sameeyay magacaabis iyo isku shaandhayn kooban oo Golaha Wasiirrada ah.

Mudane Xamsa ayaa kadib markii uu arkay qodobka 120-aad farqadiisa 2-aad iyo 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , markii uu arkay taariikh nololeedka iyo khibradda mas’uulka hoos ku xusay, markii uu tixgaliyay taladda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaasna garoowsaday baahida loo qabo magacaabista Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Jamhuuriyadda kadib markii xilkaas uu banneeyay Mudane Axmed Macalin Fiqi.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa magacaabay wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda, isaga oo sidoo kalena xilalka isu weeydaariyay labo xubnood oo wasiir ku-xigeenno ah.

  1. Mudane Saadaq Cumar Maxamed Xasan ayaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga XFS
  2. Mudane Cali Ifiye Cali waxaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee XJFS
  3. Marwo Maryan Cali Abuukar waxaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XJFS

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan faray in ay si degdeg ah ula wareegaan xilalka, isaga oo kula dardaarmay hufnaan iyo xil gudasho qaran, wuxuuna u rajeeyay in uu Alle u fududeeyo shaqada culus ee hortaala.

DHAMMAAD

Cabdinaasir Axmed Bashiir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRW

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments